Ma la joogaa xilligi Afrika laga raaligelin lahaa dhibaatadii gumaysiga?.
axaa safarka ku wehlin doonaa xaasiiskiisa, Boqorad Mathilde iyo xubno ka tirsan dowladda Belgium oo uu kamid yahay Ra’iisal wasaare Alexander De Croo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Felix Tshisekedi ayaa martiqaad u fidiyay boqortooyada.Booqashada ayaa ku soo beegmaysa laba sano kadib markii uu boqorka sheegay inuu “si weyn uga xun yahay” dhibaatada uu geystay gumaystihii dalkiisa.Boqorka ayaa kamid ah firka boqor Leopold II oo xukunkiisii qarnigii 19-aad uu dilay in ka badan 10 milyan oo Afrikaan ah, isla markaana uu geystay tacaddiyadii ugu xumaa ee xilligii gumaysiga.