Boris Johnson: Shan arrimood oo ku saabsan xilka qaadista uu wajahayo ra’iisal wasaaraha Britain.

Muxuu yahay codka kalsooniga?

Iskudayga ay xildhibaannada xisbiga Conservative-ka xilka uga qaadayaan hogaamiyahooda ayaa loo yaqaanaa codka kalsoonida.

Si ay u qabsoonto codeyntaas, waa in ugu yaraan 15% xildhibaannada xisbiga ay qoraan warqad ay ku sheegayaan inay taageerada kala laabteen hogaamiyahooda. Tiradaas ayaa hadda ka dhigan 54 xildhibaan.

Warqadahaas ayaa loo diraa Sir Graham Brady, oo ah gudoomiyaha guddi loo yaqaan 1922 Committee, kaasoo metala xildhibaannada xisbiga Conservative-ka.

Isniinta maanta ah ayuu sheegay inay soo gaareen tirada loo baahan yahay si ay u qabsoonto codeynta.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published.